|
Muqdisho, (insidesomalia.org)- Afduubayaasha gacanta ku haya Markabka laga leeyahay dalka Ukrain ee wada hubka ayaa ku hanjabay inay markabka iyo hubka saaran gubi doonaan, haddii aan muddo kooban lagu ajiibin codsigoodii lacageed.
Kooxahan waxay sheegeen in lagu siiyo 20-Milayn oo Dollar oo ay Madaxfurasho ahaan u dalbadeen, haddii kale ay gubi doonaan markabka, hubka saaran iyo weliba shaqaalihiisa.
Sugule Cali oo ah afhayeen u hadlay kooxahaan oo saxaafada siiyay warkaan sheegaeya inay gubayaan Markabka ayaa xusay in xitaa iyaga ay ku dhiman doonan qaraxa ay sameynayaan.
Dowladda Ukrain oo ka hadashay arrintaan ayaa waxay sheegtay in looga baahan yahay dalka uu hubku ku socdo inuu la xaajoodo kooxaha gacanta ku haya Markabka lana bixiyo lacagaha madaxfurashada ah ee la doonayo.
Hubka uu markabku wado ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Sudan, balse arrintaas waxaa diiday oo gaashaanka ku dhufatay Kenya, iyadoo sheegtay in hubka uu iyada u socdo.
Kenya waxay horay u diiday inay bixiso lacago Madaxfurasho ah, si markabka iyo hubka saaran uu u nabadgalo, iyadoo hadalkaan dambe ee kasoo baxay Burcadda aan ka hadlin.
Maraakiibta dagaalka ee Reer galbeedka ayaa weli ku hareereysan markabka, iyadoo aysan jirin wax hub ah oo lagala dagay Markabka tan iyo intii gacanta ay ku dhigeen afduubayaasha haysta.
|